Guddi ka tirsan Q/Midoobay ayaa Isbaheysiga Sacuudiga ku eedeeyay inay ka danbeeyeen weerarkii lagu dilay 42 qaxooti Soomaali ah oo doon ay la socdeen lagu weeraray xeebaha Yeman.
Qoraal sir ah oo Guddi ka kooban 4 khabiir ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in Sacuudiga iyo Xulafadiisa dagaalka ka wada dalka Yeman ay ahaayeen cidda kaliya awood milateri ku leh halka weerarku ka dhacay bishii March ee sanadkan.
Weerarkaasi oo ay fulisay diyaarad kasoo duushay Markab dagaal ayaa lagu dilay 42 Qaxooti Soomaali ah halka lagu dhaawacay 34 kale, xili ay ku socdeen dalka Suudaan.
Qoraalka UN-ka waxaa lagu sheegay in arrinkaas ay ka hor imaaneyso xuquuqul Insaanka, iyadoo xubnaha Golaha ammaanka, iyadoo dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska oo xubno joogto ah ka ah Golaha ammaanka ay taageeraan isbaheysiga Sacuudiga.
Guddiga Q/Midoobay ayaa warbixinta qarsoodiga ah ku sheegay in dalalka Isbaheysiga Sacuudiga ay diideen inay guddiga uga jawaabaan su’aalihii shilkaasi, waxayna kaloo isbaheysiga Sacuudiga ku eedeeyeen inaysan wax caawinaad ah u fidin dadkii ku waxyeeloobay weerarka.
Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa gebi ahaan kiiskan ka aamustay, inkastoo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye uu si toos ah magdhow uga dalbaday dalalka Isbaheysiga Sacuudiga.