Gabar 14 jir ah oo Baqiilnimo darteed u dishay ninkeeda oo 40 jir ah (Sawirro)

Gabar 14 jir ah oo lagu magacaabo Aisha Isah oo ku nool Niger State ayaa waxaa xiray Booliska kadib markii ay dishay Ninkeeda Isak Osman oo 40 jir ah kaas oo 5 bilood ka hor guursaday.

Sida lagu qoray wargayska Northern City News uuna idiin soo Turjumay Warbaahinta Goobsan, Aisha iyo Seygeedi hore ayaa ku noolaa Xaafada Lifari Village ee nawaaxiga Mashegun, Muran maalmo socday kadib ayay Aisha dilka Ninkeeda u adeegsatay Kal ay madaxa uga dhufatay taasoo sababtay inuu geeriyoodo.

Gabartan yar ayaa xubno katirsan Familkeeda horay ugu dacwootay isla markaana guri ninkeeda ay ka tagtay mudo kooban.

Aisha ayaa ku dacwooneysay in ninkeedu uusan siin wax qarash ah oo ay ku iibsato cunto ayna taas u dul qaadan weysay, mar walba oo ay weydiisto inuu siiyo biil waxa uu igu dhihi jiray aad guriga Waalidkaa oo u raadso wax aad ka cunto.

Aisha ayaa sheegtay in ay 2 maalin oo ay Qaytsanaan guriga ku joogtay ay mar kale ninkeeda weydiisatay inuu siiyo biil taasna ay keentay inuu muran xoogan dhex maro sidaasna Isak Osman uu ku dharbaaxay gabarta xaaskiisa ahayd taasoo ay iyaduna ku fal celisay in ay madaxa Kal uga dhufatay kadibna dhulka ayuu ku dhacay isbitaalka Mashegu ayaana loola cararay halkaas uu ugu dambayn ku geeriyooday.

Aisha ayaana goobta isaga baxsatay ayadoona ugu dambeyn ciidanka Amaanka NIger State ay gacanta kusoo dhigeen ayadona sheegtay in ay ka xuntahay waxii dhacay ayna ka filanayn inuu seygeedu u geeriyoon doono Kasha ay madaxa uga dhufatay Aisha ayaa hadda lasoo taagi doona Maxkamad sida ay sheegeen Ciidanka Dambi Baarista ee Niger State.