Magacyada iyo Sawirada Rag ka tirsan Al-Shabaab oo kenya Lacag abaal marin ah dul dhigtay (Sawiro)

Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa soo bandhigtay sawirada shan nin  oo ay sheegeen  inay kabar bar dagaalaamaan Xarakada  Al-Shabaab Waxa Ayna balanqaad Usameeyeen  cidii soo sheegta in  lagu abaal marin doono aduun Lacageed oo  dhan 2 million oo shilinka dalka Kenya ah.

Booliska ayaa baahiyay sawirada shantaas  nin Ee u dhashay dalka Keenya  magacyada Shantaasi Ruux Ayaa lagu sheegay  Abdikadir Mohamed aka Ikrima, Mohammed Tajir Ali, Suleiman Irungu Mwangi Salad Tari Gufu iyo Gufu Tari Gufu.

Raggaan sawiradooda lsoo bandhigay oo ay booliska Keenya baadi goobayaan ayaa la sheegay in ay yihiin amniyaad Al-Shabaab uga dhax shaqeynaya  gudaha dalka Kenya.

Keenya ayaa haatan wajaheysa weeraro toos ah afduub iyo qaraxyo kaga imaanaya dagaalamayaasha Alshabab waxayna inta badan weerarada ka dhacaan  dhulka Keymaha ah ee Boni ee magaalo xeebeedka Lamu.iyo waqooyi bari dhulka Soomalida ee Keenya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa horay waxa uu ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Alshabaab

SAWIRO