Booliska dalka Uganda ayaa xabsiga u taxaabay dad lagu eedeeyay in ay gubeen funaanado uu ku sawirnaa Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni.
Dadkan ayaa la sheegay inay ka soo horjeedeen dowlada Uganda iyagoo banaanbax ka dhigey magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda sida ay daabacday Daily Monitor.
Dadkan ayaa ka banaanbaxayay qorshe la doonayo in wax loogaga bedelo dastuurka dalka Uganda, waxaana ka mid ah qorshe la doonayo in loogu oggolaado in markii lixaad uu isu soo sharaxo xilka madaxtinimada dalkiisa sanadka 2021 xilligaa oo ay da’adiisu gaari doonto Museveni 75 sano oo ah da’ada uu qorayo sharciga Uganda ee ah xadka da’ada Musharaxa Madaxweynaha dalka Uganda.
Wargeyska Daily Monitor ayaa daabacay in dadka banaanbaxayay ay ku qeylinayeen “Ha baxo Museveni,waqtigiisu wuu dhamaaday.” Iyo ereyo kale.
SAWIRO