Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa si aad uga hadleysa Sarkaal Soomaali ah oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Mareykanka ,kaa soo la sheegay in uu toogasho uu ku dilay Haweenay Caddaan ah oo u dhalay dalka Australia,islamarkaana ku sugneyd Minneapolis dalka Mareykanka.
Sarkaalkasi ayaa lagu magacaabaa Maxamed Nuur waxaana la sheegay in 2015-tii uu kusoo biiray Ciidamada booliska dalka Mareykanka.
Dhacdadaan ayaa Warbaahinta Mareykanka waxaa ay sheegeen in ay dhacday ka dib markii haweenaydaasi ay soo wacday Labo Sarkaal oo booliska ka tirsan , ka dibna ay tageen gurigeeda ,halkaasi ay xabad ka dhacday.
Haweenayda la dilay ayaa lagu magacabaa Justine Damond, waxaana da’deeda lagu sheegay 40 sano jir.
Justine Damond, waxaa ay dhawaan ka timid dalka Australia waxaana ay u dooneyd nin degan Mareykanka.
Booliska ayaa ka gaabsaday dhacdadaan waxaana ay xuseen in ay waddaan baaritaano ku aadan cidda ka dambeysay Falkaasi.
Taliyaha qeybta Booliska goobta ay dhacdadaasi ka dhacay ayaa xaqiijiyay in falkaasi ay geysteen labada Sarkaal Midkooda,hadda ay waddaan Baaritaano.
SAWIRO