Dawladda Denmark ayaa ku dhawaaqday inay dhaqaale ugu yaboohi doonaan wadamada Saboolka ah ee ku yaala qaarada afrika,

Qorshahan dhaqaalaha loogu yaboohayo qaar ka mid ah wadamada Afrika ayay ujeedadiisu tahay yaraynta Caruurta tirada badan ee qaarada afrika sanad walba ku dhasha si looga hortago faqriga iyo Tahriibta hoos u dhigay,

Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga Denmark Ulla Tornaes ayaa sheegtay inay afrika ka caawin doonaan Daawooyinka iyo agabka loo adeegsado ka hortago uurka,Waxayna sheegtay in Arintani ay gacan wayn ka gaysan doonto qulqulka muhaajiriinta ka yimaada qaarada afrika ku waasoo culeys fara badan ku haaya wadamada qaarada yurub,

Ulla Tornaes   oo todobaadkan ka qayb galaysay shir ka dhacay Magaalada London ayaa sheegtay in 225 milyan oo dumar ah oo ku nool dalalka ugu fiqiirsan dunida in aysan haysanin dawooyinka dhalmada lagu kala fogeeyo,