Sweden oo noqotey dalka dunida ugu fiican oo qaxooti ku noolaado

Dalka Sweden ayaa noqdey dalka dunida oo dhan ugu fiican ee qaxootigu tago, sidaasna waxaa lagu muujiyey baaritaan cusub oo ka soo baxay dalka Mareykanka.

Dalalka Norway, Finland iyo Denmark ayaa iyaguna ka mid noqdey tobanka dal ee liiskaas oo 80 dal loogu kuurgaley ugu sareeya.

Baaritaankaan ayaa tooshka ku ifiyey dhinacyada dhaqaalaha soo gala dadkaas qaxootiga ah ee dalalkaas galey, sinaanta dalalkaas ka jirta iyo waliba suuqa shaqada dalalkaas, sida uu qorey wargeyska The Washington Post oo ka soo baxa dalka Mareykanka.

Warbixintaan ayaa waxaa sameeyey wargeys lagu magacaabo US News and World Report oo ka soo baxa dalka Mareykanka, kaas oo warbixino badan ka soo uruuriyey dalalka dunida ee ay qaxootiga ugu badani u qaxeen, wuxuuna wargeysku sidoo kale adeegsadey warbixino iyo baaritaano dhankaas ku saabsan oo ay sameeyeen bangiga adduunka iyo waliba urur weynaha qaramada midoobey, sidoo kalana wargeysku wuxuu wareysiyo gaar ah oo dhankaas ku saabsan la yeeshey 21 000 oo qof.

Deidre McPhillips oo soo saaridda liiskaan ka qeyb qaatey ayaa wuxuu yiri sidan soo socota:

– Baaritaankayagu si gaar ah uguma wajahneyn dadka qaxootiga ah ee waxaanu u dhabagalney siyaasadaha la xiriira isdhexgalka, sidoo kalana waxaanu u kuurgalney baaritaano hufan oo uu ururka qaramada midoobey ka sameeyey uguna kuurgaley siyaasadaha la xiriira arrimaha qaxootiga iyo isdhexgalka,waxaanu sidoo kale awoodda saarney arrimaha dhaqaalaha qaxootiga soo gala la xiriira, ayuu yiri Deidre McPhillips oo soo saaridda liiskaan ka qeyb qaatey.

Dalalka Kanada iyo Swizerland ayaa iyaguna liiskaan kaalimada ugu horeeya ka galey, waxa dalalkaas lagu amaaneyna ma aha oo kaliya dhanka dhaqaalaha ee waa xataa dhinacyada la xiriira isdhexgalka sida tusaale ahaan qaxootiga oo luqadda si hufan oo hagar la’aan ah loo baro.

Dalal badan oo reer Yurub ah iyo kuwa dhaca woqooyiga qaaradda  Ameerika ayaa liiskaan kaalimo hore ka galey, sidoo kalana waxaa jira dalal reer Yurub ah oo kaalimo aad u danbeeya liiskaan ka galey.

©Xigasho:Radio Sweden.