Qoraal maanta ka soo baxay Dowlada Wasaarada Ariaha Dibada Sweden ayaa lagu sheegay in Andreas von Uexküll uu badali doono Safiirkii hore Dowlada Swden u joogay Soomaaliya Mr Mikael Lindvall,
Mikael Lindvall oo ah Danjiraha xiligan u fadhiya Sweden ayaa shaqada ka tagi doona bilowga Bisha September waxaa uuna xilka ku wareejin doonaa Andreas von Uexküll,
Andreas von Uexküll oo horay u ahaa madaxii waaxda dhaqaalaha iyo ganacsiga safaaradda Sweden ee Washington, wuxuuna howlo ka soo qabtay safaaradda Iswiidhan ee ay ku leedahay magaaladda Tallinn ee caasimadda Island (Iiislaand) iyo Qarammadda Midoobay.
Andreas ayaa noqon doono safiirkii labaad ee Sweden u magacowdo Soomaaliya, tartankii burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.
Mr Mikael Lindvall ayaa ahaa safiir si weyn uga dhax muuqda siyaasada Soomaaliya laguna tilmaamo inuu ahaa nin dhinaca is dhaxgalka ku wanaagsan,