Boqorka Sucuudiga oo shaqada ka eryay Qoraa markii uu gaarsiiyay darajo Ilaahnimo

Boqorka Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa amar ku bixiyay in shaqada laga eryo qoraa wargeys oo xamaasad badan dhaliyay, kadib markii uu Boqorka barbardhigay ALLE.

Ramadaan Al-Anzi oo qoraal uu ku qoray wargeyska al-Jazirah ayaa wuxuu amaan xad dhaaf ah ku huwiyay Boqor Salmaan isagoo barbar dhigay Alle SWT, waxaana saacado kadib baraha bulshada ka bilowday fal celin caro ku saleysan oo loo jeediyay qoraaga maqaalka.
Qoraaga ayaa qormadiisa cinwaan ugu dhigay “Boqor Salmaanow Alla maxaad tahay dulqaad badane, ciqaabtiisu daran tahay, Shadiidul Ciqaab” wuxuuna qoraaga soo qaatay aayad quraan ah oo ku jirta suuratul Qaafir, taas oo uu Alle isku tilmaamayo inuu yahay mid ciqaabtiisu daran tahay.

Erayadaasi ayaa ah kuwo u gaar ah Alle oo aysan jirin cid lala barbar dhigo karo, waxaana qoraagu uu ku talax tegay amaanta xaddhaafka isagoo ku mudeystay in shaqada uu ka joojiyo Boqor Salmaankii uu amaantiisa ku talax tegay.

Arrintaan ayaa ah danbi aad u culus oo xukunkeedu yahey mid aan fududeyn, waxayna kasoo horjeedaa hannaanka ku dhaqanka ee sharciga islaamka iyo kan Sacuudiga in qofkii sheegta awooda alle ama qof uu barbar dhigo.

©Goobsan Media