Weerar jimcihii shalay gelinkii danbe ka dhacay isbitaal ku yaal magaalada New York ayey ku dhinteen labo qof.
Weerarkan ayuu geystay mid kamid ah shaqaalaha isbitaalkaasi oo horey shaqada looga eryey, kaasi oo weerarkan u adeegsaday hubka daraan dooriga u dhaca, wuxuuna gudaha isbitaalka ku dilay mid kamid ah dhakhaatiirta isagoona dhaawacay lix qof oo kale kahor intuusan isaguna is dilin.
Falkan ayaa ka dhacay isbitaalka The Bronx Lebanon Hospital ee ku yaal xaafada Bronx ee magaalada New York, waxaana goobta mar danbe gaaray ciidamo aad u badan kuwaasi oo sheegay inay heleen meydka ninka weerarka geystay oo gacantiisa isku toogtay intaan ciidamada goobta imaan.
Isbitaalka Lebanon Hospital ee Bronx ayaa kamid ah xarumaha caafimaad ee ugu fac weyn ee ku yaal magaalada New York.
Waxaa marar badan soo noq noqday weerarada noocaan ah ee ka dhaca dalka Maraykanka ee shacabka loo ogol yahay inay qaataan hubka, waxaana lagu qiyaasaa in sanad walba ay dalka Maraykanka weeraro noocaan ah ku dhintaan dad ka badan 10 kun oo qof.