Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhowaaqday inay berri ay tahay maalin ciid ah kadib markii laga arkay bisha Shawaal boqortoyada Sacudi Carabiya iyo wadamo kale oo khaliijka ka tirsan.
Maxkamada sare ee boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa hore uga codsatay shacabka sacudi carabiya in fiiriyaan bilashada bisha Shawaal.
Illaa iyo hadda ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka soomaaliya oo la xiriira bilashada bisha Shawaal, hase ahaatee sida ay sheegayaan warqabadka shabakada Goobsan.com waxaa laga arkay bisha Shawaal deegaano ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabelaha Dhexe iyo degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose.
Goobsan.com waxa ay idin leedahay ciid wanaagsan Muslimiinta dhamaan meel walba ay joogaan farxad ku ciida nabad ku ciida Inshaa allah.