Dowladda Qatar ayaa si gambasho la’aan ah gaashaanka ugu daruurtay dalabkii ka yimid xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga, dalabkaas oo ka koobnaa 13 qodob taasoo sharuud looga dhigay in ay fuliso waa haddi ay Qatar dooneyso in laga qaado xayiraadii dhaqaale iyo mida diplomaasiyadeed ee dhawaan ay ku soo rogeen xulufada uu sacuudigu hogaamiyo.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa arrin aan macquul aheyn ku tilmaamtay dalabkaas oo ay ku jirtay in Albaabada la isugu laabo Telefishinka afka dheer ee Al Jazeera.
Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo labo todobaad ka hor ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Qatar ayaa shuruud ku xirtay Qatar in 10 maalmood gudahood ku fuliso dalab ay u jeediyeen, hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.
Shuruudaha lagu xiray waxaa ka mid ah, inay hoos u dhigaan xiriirka ay la leeyihiin Iiraan, in saldhigga Milateri ee Turkey ka siisay dalkeeda la xiro, in la joojiyo maalgelinta Ururada Argagixisada, in la xiro Telefishinka Al Jazeera iyo qodobo kale.
Telefishinka Al Jazeera ayaa ku eedeeyay Xulafada Sacuudiga inay isku dayayaan inay Aamusiyaan Xoriyadda Hadalka.
Qatar ayaa iska fogeysay inay dhaqaale siiso Argagixisada, waxaana ay beenisay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.
Ilaa iyo hadda ma jirto wax wada hadal ah oo u bilowday wadamada Xulufada iyo dowladda Qatar ayadoo ay dowladda Kuwait isku dayayso in ay xiisada ka aloosan wadamada carbeed hoos u dhigto.