Sida lagu qoray Wargeyska Politien ee ka soo baxa dalka Denmark. Waxaa bilowgii isbuucan dib loogu soo celiyay sharcigii Qaxootinimo ee ay ku joogeen Denmark Qoys Soomaali ah oo ka kooban Hooyo iyo gabadheeda kuwaas oo dhawaan Waaxda Socdaalku ay kala laabatay sharcigoodii isla markaana amar ku siisay inay dalka uga baxaan mudo kooban,
Arinta qoyskan loogu ogolaaday inay dib u helaan Sharcigoodii ay ku joogeen Denmark ayaa waxaa gacan weyn ka geystay Hay’ada qaxootiga ka caawisa go’aanada Dowlada, waxayna Hay’adani sheegtay in aanan qoyskan dib loogu Celin karin dalkooda sababo la xiriira gabadha yar oo halis ugu jirta in la Gudo,
Qoyskan ayaa kamid ah guud ahaan 800 qof oo soomaali ah, kuwaas oo dowlada Denmark ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharcigooda magangalyada.
Arintan ayaa rajo ku abuurtay qoysas badan oo ku noolaa dalka Denmark kuwaas oo horay loogu amray inay dalka uga baxaan Mudo kooban, kadib markii Wasaraada Arimaha Soogalootiga ay soo saartay in xaalada Amaan ee Soomaaliya ay haatan tahay mid Wax badan ay iska badaleen marka loo eego sanadihii hore,
©Goobsan Media