Dagaal Diimeed ka qarxay Afrikada dhexe oo sababay dhimashada ku dhawaad 100 Qof

Sarakiisha maxaliga ee dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ayaa sheegaya in ku dhowaad boqol qof lagu dilay dagaalo diimed ka qarxay magaalad Bria oo ku taalla bariga dalka Afrikada Dhexe.

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 qof ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay Jamhuuriyada Afrikada Dhaxe maalin uun ka dib markii heshiis xabad joojin ah ay kala saxiixdeen dowladda iyo kooxaha mucaaradka.

Maalintii Talaadada ayay ahayd markii xabad joojin lagu saxiixay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaasoo u dhaxeeyay xukuumada Bartamaha Jamhuuriyadda Afrika iyo kooxaha falaagada ah ee dalkaasi.

Xabad joojinta oo si dhaqso ah u dhaqan geleysay ayaa waxay dhabaha u xaareysaa in mucaaradka laga qeybgeliyo geedi-socodka nabadda iyo siyaasadda, si ay iyaguna rabshadaha u soo afjaraan.

Heshiiskan waxaa garwadeen ka noqday kaniisada katooliga ah waxaana looga gol lahaa in lagu soo afjaro mudo dhowr sano ah oo ay dalkaasi ka socdeen rabshado ku salaysan Diimaha.