Kooxda Daacish Oo gubay Masaajid ka Al Nur Ee Dalka Ciraaaq (SAWIRRO)

Kooxda isku Magacawday Khilaafada Islaamka Daacish ee ka dagaalanta dalka Ciraaq ayaa lagu eedeeyay in ay gubeen sidoo kale ay bur buriyeen Masjidka weyn ee A-Nuri ee kuyaala magaalada Musil ee dalka Ciraaq.

Milatariga dalka Ciraaq ee dagaalka kula jira kooxdaasi ayaa ku eedeeyay in ay dab qabadsiisay qeybo kamid ah Masjidka Al Nuri, waxaana goobaha masjidka ee la gubay kamid ah goobaha waxbarashada iyo qeybo kale.

Masjidkan oo ah mid caan ka ah dalka Ciraaq aadna u weyn ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa aagiisa ka dagaalamayay dagaalyahanada Daacish, waxaana masjidka sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dagaalka iyo duqeymaha ka socda magaalada Musil.

Saraakiil katirsan Ciidamada Milatariga dalka Ciraaq ayaa sheegay in ay horumar ka sameenayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ee ku sugan magaalada Musil, waxa ayna saraakiishan sheegeen in ay aad ugu dhaw yihiin qabsashada halka uu kuyaala Masjidka Al Nuri.

©Goobsan Media

Masjidka Al Nuri ayaa ah masjidkii looga dhawaqaay magaca Kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish, waxaana masjidkan horey khudbado uga jeediyay Amiirka ugu sareeya Kooxda Daacish Abuubakar Al Bagdaadi.