Ra’isal wasaare Theresa May ayaa amar ku bixisay in baaritaan buuxa lagu sameeyo dabkii ka kacay dhisme ku yaalla galbeedka London, kaas oo dilay ugu yaraan 17 qof.
Tiradaasi ayaa la filayaa inay kororto, iyadoo kooxda dab damisku aysan rajo ka qabin in dad kale oo badbaaday ay ka helaan dhismaha gubtay ee Grenfell Tower ee ku yaalla degmada North Kensington.
Ra’isal wasaaraha ayaa sheegtay in dadku ay u xaq u leeyihiin inay jawaabo helaan oo ay ogaadaan sababta uu dabku si dhaqso ah ugu faafay.
Ra’isal wasaare May ayaa goor hore booqasho gaar ah ku tagtay goobta, halkaas oo ay kula hadashay madaxa dab damiska Dany Cotton iyo xubnaha adeegyada gargaarka degdegga ah.