Nin toogasho ku dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu xukumay 39 Sano oo Xabsi ah

Nin lagu magacaabo Anthony Sawina ayaa Maxkamad Ku taalo dalka Mareekanka waxa ay ku xukuntay 39 sano oo xabsi ah.

Ninkaan ayaa horay loogu soo oogay dambi ah inuu dilay wiilal dhalinyaro Soomaali ah waqti ay saarnaayeen Gaarigooda ayagoona ka yimid Garoon Kubadeed, Dhacdadaan ayaa dhacday Sanadkii hore.

Qaadiga Maxkamadda Federaalka ee degmada Dinkytown ayaa sheegay in ninkaasi uu dhalinyaradda Soomaaliyeed uu xabado ku furay xilli ay ka yimaadeen Garoon ku badda lagu cayaaro.

Anthony Sawina ayaa qirtay in uu ka dambeeyay falkaasi ,islamarkaana ay ku dhiira geliyeen xubno ka tirsan qoyskiisa ila markaana waxaa uu tilmaamay in falkaasi uu ahaa mid ku saleysan Islaam Naceyb.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay  Anthony Sawina in uu isku dayay in uu waxyeelo u geysto dad badan oo muslimiin ah.