Sedex qof oo lagu dhex toogtay Masjid dhexdiis

Waxaa Kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen 3 qof oo rayid ah  kuwaas oo ku sugnaa Masjid ku yaal Gobolka Paktia oo dhaca bariga ee dalka Afghanistan, Maalin kadib markii dalkaasi ay ka dhacday baroor diiq heer Qaran ah oo loo sameeyay dad ku dhintay weeraro ka dhacay dalkaasi.

Wasaarada arrimaha gudaha dalka Afghanistan ayaa ku dhawaaqday in weerar ka dhacay xarunta gobalka ee Gardez habeenkii Jimcaha ay ku dhinteen saddex halka ay ku dhaawacmeen 9 qof oo kale.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu cadeeyay in dilkaan uu ka fog yahay Diinta Islaamka iyo xaquuqda aadanaha in la dilo qof isagoo ku jiro salaad.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilkaan balse inta badan waxaa weerarada nuucaan oo kale ah looga shakiyaa ururada Taliban iyo Haqqani kuwaasi oo ka dagaalamo Gobolka Paktia ee dalka Afghanistaan.

Labaadan urur ayaana dagaalka kula jiro dowlada iyo ciidamada ajaanibta ah ee uu hogaaminayo Mareykanka ee ku sugan dalkaasi.

Madaxweye Ashraf Ghani ayaana maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay maaalin Qaran oo baroor diiq ah oo lagu xasuusanaayo dadkii ku dhintay weeraradii ka dhacay magaalada Kabul iyo gobolka Khost.