Denmark: Tirada Soomaalida lagala noqday sharciga oo sii kordhaysa

Sida lagu qoray Wargeyska Berlinske ee ka soo baxa dalka Denmark waxaa beryihii u danbeeyay soo badanayay tirada qaxootiga Soomaaliyeed ee dib lagala noqday sharciyada magangalyo ee kol hore dowladu u ogolaatay,

Inta la ogyahay ilaa 74 qofood ayaa Waaxda Socdaalku ku wargelisay in lagala laabtay sharciyadii ay ku joogeen dalkaas, 2 ka mid ah dadkaasi ayaa waxaa isbuucii la soo dhaafay maxkamada sare ka heleen diidmadii u danbaysay, Waxayna Maxkamadu ku xukuntay in ugu danbayn 10 bishan ay dalka ka baxaan,

Denmark ayaa sanad kahor soo saartay go’aan ay ku sheegeyso inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada 800 oo soomaali ah, kuwaas oo dalkaas sharciyo magangalyo ku heysto. bacdamaa ay soo hagaagayso xaalada Soomaaliya

Dhawaan ayay ahayd markii mudaharaad balaaran oo arintaas looga soo horjeedo ay qaxootiga soomaaliyeed isugu soo baxeen qeybo ka mid ah Magaalada Copenhegan. Taasoo ay ku dalbanayeen in dowlada Denmark ay meesha ka saarto go’aanka dib u celinta ah, Sidoo kalana ay baaq cabasho ah u gudbiyeen madaxda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya inay soo farageliyaan xaalada cakiran ee ku haysata dalalka ay usoo haajireen,

Goobsan Media