Booliiska Nigeria oo xiray nin lagu qabtay Xubno Dad iyo dhalooyin dhiig ku jiro (Sawiro)

Boolislka Nigeria ee Gobolka Osogbo Osun State ayaa maalinimadii shalay ahayd xiray nin lagu magacaabo Ajibade Rasheed kaasoo 38 sano jir ahaa, Booliiska ayaa ninkaan ku qabtay asaga oo gaarigiisa ku wato Xubno Dadeed.

Xubnaha uu ninkaas watay waxaa kamid ahaa xubinta Taranka Dumarka, Wadne, Beer iyo Madax, iyo dhalooyin dhiig ku jiro intaas oo xubno ah ayuu kasoo goostay Haweeney uu dilay.

Booliska ayaa ku jiray howlo baaritaan ah oo ay ku hayeen Gawaarida balse waxay arkeen ninkaan oo aad u argagaxsan taas ayaana Booliska Shaki galisay waxa ayna baaritaan ku sameeyeen gaariga ayagoona ugu dambeyn ka helay xubnahan Haweeneyda.

Sarkaal u hadlay booliska Osun state oo lagu magacaabo Mr. Fimihan Adeoye ayaa sheegay in ay arintaan baaritaan badan ku samayn doonaan ayna hadda raadin ugu jiraan ehalada Haweeneyda la dilay.

Ninkaan oo ka hadlay falkan uu geystay ayaa sheegay inuu u sameynayay lacag darteed ayna Rag ka ganacsada xubnaha dadka soo weydiisteen qof u keeni karta xubnaha gaarka ah ee laga dalbaday balse asaga ayaa ku jawaabay aniga ayaa helaya idiina keenaya kadibna uu ku dhaqaaaqay falkan.

Ajibade Rasheed oo ah ninka falkan ku kacay ayaa hadda gacanta ugu jira Booliska asagoona ku sugan Xarunta wayn ee dambi baarista gobolka Osogbo Osun State ee dalka Nigeria.

Falkan la xariira dadka xubnahooda laga ganacsado ayaa wadanka Nigeria kusoo badanayay mudooyinkii u dambeeyay ayadoona dhibanhii u dambeeyay ahayd ardayad dhigata Jaamcada UNIOSUN ee isla gobolka Osogbo Osun.

SAWIRO