Agaasimaha Guud ee HSJ soomaaliya oo Safar shaqo ku tegay dalka Beljimka (Sawiro)

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamde Adan Koofi ayaa safar shaqo waxa uu ku tegay Wadanka Beljim halkaasoo uu ku booqday Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalkaas .
Agasimaha ayaa halkaas kulan kula qaatey Safiirka safarada, Qumsulka iyo gudi ka socdey bulshada  Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Biljimka.

Kulanka ayaa looga hadley adeegga bixinta baasaboorka iyo aqoonsiga oo dhowaan laga bilaabey safaaradda, wuxuuna agaasimuhu kala hadley masuuliyiinta safaaradda iyo gudigaba muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga iyo xeerarka lagu bixiyo baasaboorka iyo aqoonsiga.

Mudane Koofi ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay Safaro kala duwan ku bixinayay wadamo badan oo ku yaal qaarada Afrika iyo Yurub taasoo uu ku sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii Baasaboorka Soomaalligu aqoonsi fiican uga heli lahaa Caalamka.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Beljimka ayaa uga mahadceliyey HSJ adeegga ay soo gaarsiiyey oo dhib badan ay u mari jireen helidda baasaboorka iyo aqoonsiga.