Soomaaliya ayaa muddo 30 sano ah kaddib markii ugu horeysay codeysay doorashadii madaxa guud hayada caafmaadka Aduunka ee WHO ee lagu doortey Dr. Tedros Adhanom Asbuucii hore.
Soomaaliya ayaan codeynin muddo dheer, kadib markii dhaqaalo lagu yeeshay ay ka hor istaagtey inay cod yeelato.
Laakinse dowlada Soomaaliya oo bixisey dhaqaalahaasi qeyb ahaan ayaa suurtagalisey in dowlada Somalia ay cod yeelato.
Waxaa sidoo kale wasiirka caafimaadka ee dowlada federalka Somalia Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, loo doortey in ay noqoto agaasime ku-xigeenka shir-gudoonka hayadda.
‘’Soomaaliya waxaa soo jeedisay in ay ka mid noqoto shir guddoonka sare ee hay’adda gobolka aan ka tirsan nahay ee fadhigiisu yahay Qaahir, shirka markii loo soo jeediyayna si akhlabiyad ah ayaa lagu ogolaaday’’ ayeey tiri wasiirka oo xiliga wareysiga laga qaadayay ku sugneyd magaalada Geneva ee dalka Switzerland
Waxaa ay sheegtay in ay arintan sharaf weyn u tahay guud ahaanba umadda Soomaaliyeed in muddo dheer kaddib Soomaaliya ka soo muuqato hogaanka sare ee hay’adda,
Tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay Soomaaliya cod ma aysan laheyn lacagihii ku uruuray awgeed, mana aheyn annaga oo kaliya ee waxaa kaloo jiray dowladdo fara ku tiris ah aan cod laheyn mudadaas oo idil, marka in aan soo ceshano codkeenii sharaf weyn ayeey inoo tahay ayeey tiri wasiirka.
Hay’adda WHO ayaa ah tan ugu weyn caafimaadka aduunka, waxaana arintan ay imaneysa xili Soomaaliya ay ka jiraan xaalad adag oo dhinaca caafimaadka kuwaa oo ka dhashay abaarta iyo macaluusha ka taagan qeybo badan oo ka mid ah dalka.
Dhawaan ayaa loo doortay madaxa guud ee hay’adda WHO in uu noqdo wasiirkii hore ee arrimaha dibada dowladda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom.