Muna Cumar oo ah Kaaliyaha wakiilka wasiirka Arimaha Afrika u qaabilsan dowladda Masar ayaa ka hadashay saldhiga militari ee Turkigu ka dhisanayo Soomaaliya taasoo ay ku tilmaamtay halis soo wajahday Amniga Masar iyo guud ahaan inuu carqaladayn ku yahay amniga wadamada Carabta.
Muna Cumar ayaa sheegtay in dowladdda Turkiga aysan Saaxiib la ahayn Masar isla markaana Turkiga uu Taageero siiyo waxa loo yaqaano argagaxisada.
Turkiga ayaa dhawaan shaaciyay in Madaxweynahooda Raccep Tayyep Erdogan uu xariga ka jari doono Saldhigooda Milatari ee ugu weyn oo ay ku leeyihiin Dibadda kaas oo ay ka sameysteen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde, iyadoona la dhagax dhigay Bishii March 2015 uu ka koobnaan doonaa Dugsiyo Milatari, Bakhaaro lagu keydiyo Hubka iyo Saanadda iyo weliba Dhismayaal Guri.
Dhismaha Xaruntaan ayaa la shaaciyay in uu ku bixi doono lacag gaareysaa ilaa 50 Million oo dollar.