DAAWO VIDEO: Mareekanka oo markii ugu horeeysay tijaabiyay Gantaal lagu dilo Gantaalda kale

Dowladda  Maraykanka ayaa shaacisay in ay ku guulaysteen tijaabinta gantaal hawada ku qaban kara gantaalaha qaaradaha iskaga gudba ee ay dhici karto in Maraykanka lala soo beegsado.

Ujeedka Tijaabadaan ayaa waxa ay tahay dhoolotus Ciidamada Milatariga Mareykanku ay tusayaan Kuuriyadda Waqooyi.

Tijaabadani waxay ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah, waxayna jawaab u tahay khatarta isa soo taraysa ee ka imanaysa Kuuriyada Woqooyi.
Gantaalkan nooca gantaalaha hawada kaga hortaga ah ayaa laga riday saldhig ciidanka cirka ee Maraykanku ku leeyihiin gobolka California, waxaanu si fiican uga hortagay oo soo riday gantaal aan hub ku xidhnayn oo dulmarayey badweynta Pacific-ga, oo ay ciidamadu ka soo ganeen jasiiradaha Marshalls.

Milatariga ayaa tijaabadan ay sameeyeen ku tilmaamay tallaabo wayn oo hore loo qaaday.

Todobaadkan horraantiisii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay samaysay tijaabadii sagaalaad ee gantaalaha nooca ridada dheer ah sannadkan gudihiisa.


Xigasho NBC News.