Haweeney lagu magacaabo Theresia Brandl oo ah 105 sano jirkuna nool Pennsylvania ayaa dhamaysatay Dugsiga Sare taasoo ay ku muteysatay Shahaado, Brandl ayaa dhamaysatay iskuulka Sto-Rox High School 17 May.
Theresia Brandl ayaa go’aansatay in ay Iskuulka dhamaysato kadib waqti badan oo ay iskuul la’aan soo ahayd, Brandl ayaa waqtigii ay yareed duruufo is niirsaday ay u diideen in ay waxbarato ayadoo loo sheegay in ay kala doorato Xanaanada Hooyadeed oo xanuunsan iyo walaalaheed ka yar yar ugu dambeyn waxa ay dooratay in ay hooyadeed Xanaaneyso taasoo ugu dambeyn xanuunkeeda Hooyadeed uu noqday mid raagay una awoodi waayay in ay dib ugu noqoto Iskuulka.
Brandl waxaa ka caawiyay in ay heerkaan soo gaarto Hey’ada Twilight wish Foundation oo si gaar ah u caawisa dadka da’doodu ka sareyso 65 sano jirada ee hadana doonaya in ay waxbartaan.
Brandl waxaa kasoo qaybgalay xafladeeda qalin jabinta Kalkaalisooyinka u qaabilsanaa Caafimaadka ee Pennsylvania sidoo kale Dadka ay dhashay Iyo Waxa ay sii dhaleen kuwaas oo dhamaantood farxada la qaybsaday Haweeneydan 105 jirka ah oo Shahaadada Dugsiga Sare heshay.
Sidoo kale Brandl waxaa la gudoonsiiyay Shahaado Sharaf taasoo ay ku muteysatay Dadaalkeeda dib u kabashada ahaa Brandl oo la hadashay FOX News ayaa u sheegtay in ay ka Shalaaynayso Waqtigii ay yareed in ay waxbarashada ku seegtay xanuunka hooyadeed iyo waqtigii dambe oo ay u badatay dheelida ciyaaraha xeegada taasoo ilaawsiisay Waxbarashada balse waxa ay sheegtay in ay hadda heshay Shahaado taasoo ay saaxiibadeed ay hadda kala simantahay oo horay ay ayaku u heesteen Shahaadooyin.
Halkaan ka daawo Sawirada