Gabar 22 jir ah oo degan gobolka South Australia ayaa lagusoo oogaya dacwooyin argagixiso la xariira kadib markii la sheegay inay xubin ka noqotay kooxda Islamic State ee sidoo kale loo yaqaan Daacish.
Ciidanka la dagaalanka argagixisada SA ayaa gabadhan xiray maalintii Talaadada balse boolisku waxay sheegeen in xariga gabdhan uusan wax xariir ah la lahayn weerarkii Manchester.
Linda Williams oo ah ku xigeenka Taliya booliska SA ayaa sheegtay in gabadhan la xiray ay tahay muwaadin Australia oo asalkeedu kasoo jeedo Soomaaliya, waxayna intaa ku dartay in lagasoo xiray xaafad ku taal galbeedka Adelaide.
Gabadhan ayaa haddi lagu helo danbiga lagusoo oogayo oo ah inay xubin ka noqotay urur argagixiso ay wajahayso 10 sano oo xarig ah.
Ms Willaims ayaa tiri ” Shaqsigan waxaa lagusoo oogayaa inay xubin ka noqotay urur argagixiso ee laguma haysto inay qorshaynaysay wax weerar ah”. Mana jiraan wax qatar la ogyahay oo kuwajahan bulshada SA ayay tiri Willaiams.
Kaaliyaha taliyaha booliska Federalka Australia AFP Ian McCartney ayaa warbaahinta u sheegtay in boolisku soo bandhigidoono in falalka gabdhan intooda badan ayaa ahaayeen kuwo Online ah ama internetka.
Booliska ayaa intaa ku daray in gabadhan ay isha ku hayeen kadib markii ay isku dayday inay dalka ka dhoofto July sanadkii lasoo dhaafay laakiin boolisku ma faahfaahin halka ay doonaysay inay safarto sanadkii lasoo dhaafay.
Gabdhan ayaa maxkamad lasoo taagay maanta oo arbaco ah.