Booliska Ingiriiska ayaa xiray Nin 23 jir ah kaasoo lagu tuhmayo inuu xariiriye u ahaa weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Manchester Arena.
Weerarkan ayaa la sheegay in lagu dilay 22 qof ayadoona uu dhaawac soo gaaray dad badan oo kasoo qayb galay bandhig faneed iyo riwaayado halkaas ka socday.
Booliska manchester ayaa bartooda Twitter-ka ku cadeeyay inay ku xireen koofurta Manchester Nin 23 sano jir ah kaasoo lala xariirinayo inuu ku lug leeyahay weerarkii dhiiga badan ku daatay ee lala beegsaday dadka caweynayay.