Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay madaxweynaha mareekanka Donald Trump

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku kulmay magaalada Riyadh ee Sacuudi Carabiya.

Kulankan oo ahaa mid kooban ayaa dhacay, kaddib markii la soo gaba gabeeyay shir madaxeedkii Madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa.

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday in 100% ay Dowladda Soomaaliya ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka warbixiyay kulanka dhex maray labada Madaxweyne.

Mr Cabdinuur ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii dowladda Mareykanka ay gacan buuxda uga geysan laheyd.

“Markii uu soo gaba gaboobay shir madaxeedka, labada Madaxweyne waqti kooban ayay kulan qaateen, sida la socotaan dalka xaalad dagaal ayuu ku jiraa, balan-qaadyada Madaxweynuhu sameeyay waxaa ka mid ahaa in labo sano lagu soo afjari doono qolyaha argagixisada, sida la socotaan Soomaaliya kaliya kuma filna, taageero caalami ayay u baahan tahay”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadlay Donald Trump kaalinta Mareykanka ka qaadan karo arrintan, iyo sidii loo dar dar gelin lahaa la dagaalanka Shabaab.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee fool ka fool u yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo labadaba ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir madaxeedka madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka, kaasoo looga hadlay arrimo badan oo la xiriira dagaalka lagula jiro Argagixisada.