Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo oo gaaray dalka Sacuudi Carabiya (Sawiro)

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa gaaray magaalada Riyadh ee boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wafdiga ayaa galabta ka qeybgali doona Shirka dalalka Islaamka iyo Mareykanka u furmaya galabta.
Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaanndhiga, Wasiirka Qorsheynta iyo taliyaha Nabad Sugidda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shirka dalalka Islaamka iyo dowladda Mareykanka oo saacaddaha soo socda ka furmaya Magaalada Riyaad.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Magaalada Riyaad ayaa hadda waxaa ku sugan qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Shirweynahaasi waxaa xoogga lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah ururrada xagjirka ah.

Iyo sidii loo wanaajin lahaa xariirada ka dhaxeeya mareekanka iyo wadamada Islaamka waxaana lagu soo hadal qaadi doonaa xaaladda wadamo Dhowr ah sida Libya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, iyo Ciraaq.

Sidoo kale waxaa macquul ah in lagu soo hadal qaado arimaha xayiraada waddamadii Islaamka ee Donald Trump ganaax dhanka safarka ah kusoo rogay.