Mucaaradka Suuriya oo baneeyay qaybo kamid ah magaalada Homs

Kooxaha Mucaaradka ah ee dalka Siiriya ayaa faarujiyay magaalada Homs Sida ay sheegayaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalkaasi.

Kooxaha ayaa Shalay gelinkii dambe ka baxay Magaalada waxaana la sheegay in ay u baxeen dhanka Bari ee Magaalada Homs ,halkaasi oo ay ku xoogan yihiin kooxaha Mucaaradka ah.

Talal Barazi oo ah Gudoomiyaha gobolka ayaa  u sheegay wakaalada wararka AFP in 3,000 oo qof, oo ay ku jiraan 700 oo mucaaradka ka mid ah in ay ka tageen degmada Waer ee Magaalada Homs.
“Kooxaha iyaga iyo carruurtooda waxa ay Magaalada ka baxeen shalay gelinkii dambe , waxaana ila tahay in tilaabadaan ay tahay midii ugu dambeysay oo ay Magaalada uga dhamaan lahaayeen ayuu yiri”Talal Barazi

Xoogaga Mucaaridka ayaa baneeyey magaalada Homs oo ah magaalada uu ka bilowday kacdoonka hubeysan ee looga soo horjeedo xukuumada Bashaar Al Assad.

Xoogaga mucaaridka ee Homs ayaa go’adoon ku jiray bilihii lasoo dhaafay waxaana ka go’ay saadkoodii iyo gurmadkii ay ka heli jireen magaalooyinka kale.