Dowladda Itoobiya oo u baqaysa Nus Milyan dadkooda ah inay dhibaato ku qabsato Sacuudi Carabiya

Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay dadka itoobiyaanka ah ee ku dhaqan wadanka Sacuudi Carabiya kuwaas oo si sharci darro ah kaga shaqaysta wadankaas waxaana laga baqayaa in ay dhibaato la kulmaan.

Ra’salwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inuu ka walwalsanyahay muwaadiniinta u dhashay wadankiisa ee ku nool Sacuudi carabiya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku daray in maalmo gudahood ay ku egtahay mudadii ay dowladda Sacuudiga u qabatay in dadka sharci darrada dalkaasi ku jooga ay uga baxaan, sidaa darteedna uu ka cabsi qabo in booliska ay xoog u adeegsadaan dadkaasi.

Bishii Maarso ee sanadkan ayaa Sacuudiga waxa uu muddo 90 cisha ah u qabtay in dalkaasi ay uga baxaan muhaajiriinta aan sharciga haysan.

Nus milyan qof oo Itoobiyan ah ayaa lagu qiyaasay in ay si sharci darra ah ugu noolyihiin Sacuudiga, waxaana ay u badan yihiin hablo guryaha ka shaqeeya.
Sanadkii 2013, tiro Itoobiyaan ah ayaa dhintay ka dib markii ay iska horyimaadeen booliska Sacuudiga oo doonayay in ay qabqabtaan oo ay tarxiilaan.

Dadka itoobiyaanka ee ku dhaqan wadanka Sacuudi Carabiya ayaa ah dad xoogsata ah oo inta badan isku xiran ayagoona wakhtiyada qaar laga dareemo inay isaga dhowyihiin bulshada kale.