Faahfaahin kasoo baxaysa Qarax qasaaro gaystay oo ka dhacay gudaha Kenya

Sida la xaqiijiyay 4 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay degmada Liboi ee Kenya kadib markii Gaari ay la socdeen dad rayid ah ay ku qaraxday miino la dhigay waddada geeskeeda, Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxaasi inay ku dhaawacmeen dad shacab u badan.

Gaarigan qaraxa haleelay ayaa la sheegay inuu ka yimid Liboi uuna kusii jeeday magaalada Gaarisa.

Xiriiriyaha gobolka Waqooyi Bari ayaa Saxaafadda u sheegay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab , isagoona sheegay in ay waddaan howlgallo kala duwan oo lagula dagaalamaayo Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Maxamuud Saalax in Al-Shabaab maalmihii lasoo dhaafay ay laba jibaareen Qaraxyadda iyo Weerarada ay ka geysanayaan dalka Kenya ,islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabooyin Arrintaasi looga hortagaayo.

Ugu dambeyntii Shacabka kunool gobolka Waqooyi Barri ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay Weeraro kala duwan ka geysanaayay dalka Kenya, Waxaana Weerar ay ku qaadeen Shalay degaanka Cumar Jillo.  ay ku dileen gudoomiyihi degaankaasi, sidoo kale Askar iyo qafaalasho ay u geysteen Askar kenyaan ah.