25 jir Soomaali ah oo lagu magacaabo Libaan Ahmed Hassan ayaa lagu xukumay 2 sano iyo bar xabsi ah iyo masaafurin dib loogu celinayo wadankiisa,
Ninkan ayaa lagu soo eedeeyay in bishii ocotber ee sanadkii la soo dhaafay gurigiisa laga helay waxyaabaha qarxa (bombo).
Dacwad oogayaasha ayaa isniintii shalay maxkamada horkeenay cadaymo muujinaya in ninkani uu guriga ku haystay aalado loo adeegsan karo qaraxyo waxyeelo gaysan kara lama oga waxa uu ka damacsanaa,
Qareenada u doodaya Libaan Ahmed ayaa racfaan ka qaatay go’aanka shalay ay maxkamadda ku xukuntay iyagoo ku difaacay in uusan ku lug lahayn dacwadan lagu soo oogay. Waxaan lagu wadaa in mar kale loo fariisto dacwada la xiriirta arintan
©Goobsan Media