Ethiopia oo Xabsi ku xukuntay Rag lala Xiriirinayo Al-Shabaab

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay 6 sano oo xabsi ah ku xukuntay laba nin oo ay ku eedeysay in ay doonayeen in gudaha dalka Itoobiya ka aas-aasaan koox xiriir la leh Al Shabaab.

Labada Nin ee Maxkamadda xukunka ay ku riday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Bedris Yesuf iyo Anis Usman.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ethiopia ayaa sheegay in raggaasi la xiray 3 sanno ka hor, kadib, markii lagu soo oogay inay weerar ka fulin lahaayeen Ethiopia, waa sida uu hadalka u dhigay. Balse ma jiraan wax caddaymo buuxa oo la xiriira Eedeymahaasi, iyadoo ragga la xukumay aan loo goolaanin inay qabsadaan Qareeno difaaca

Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka ay Ciiddanka ugu badan ka joogaan Somalia. kuwaasoo qeybta ka ah howlgal-ka AMISOM.

©Goobsan Media