Xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Jermalka ayaa meel mariyay sharci qayb ahaan mamnuucaya xirashada indho shareerka (Niqaab) Muslimiinta.
Qorshahan ayaa lagu wadaa in la horgayn doonaa aqalka sare e baarlamaanka si loo meelmariyo.
Afhayeen u hadlay Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Xirashada Indha shareer-ka uu qayb ka yahay amaan xumida ku ku soo korortay dalka Jarmalka. Sidaas daraadeed aysan haboon tahay in gabi ahaanba la mamnuuco,
Dhawaan ayay ahayd markii Weerar argagaxiso lagu qaaday Magaalada Baarliin kaasoo ay ku geeriyoodeen 12 qofood,
In kabadan hal milyan oo soogalooti ah oo badan kood ay yihiin Muslimiin bariga dhexe ka tagtay ayaa galay Jermalka 18kii billood ee la soo dhaafay.
Xisbiyada dhanka midig xiga ayaa u ol’olaynayay in dalka oo dhan laga mamnuuco in indho shareer lagu xirto goobaha ay bulshadu isugu tagto.
Bishii Desembar ee sanadkii hore ayay markii Ra’isal Wasaar Angela Merkel ku baaqday in indho shareerka laga mamnuuco meel kaste oo sharcigu ogol yahay, iyada oo sheegtay in uusan munaasab ku ahayn dalkeeda.
©Goobsan Media