Wararka laga helaayo dalka Mareekanka ayaa sheegaya in haweeney soomaali ah lagu xukumay 5 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay inay taageero lacageed soo gaarsiisay ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
Aamina Maxamuud Ciise oo 43-sano jir ah ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah, waxa ayna haweeneydan qirtay in ay taageertay Kooxda Al Shabaaab ee ka dagaalanta Soomaaliya sidoo kale lacago ugu deeqday.
Haweeneydan xukunka lagu riday oo kamid aheed Soomaalida kunool Minnesota ayaa la sheegay in xukunkeeda uu yahay mid dabacsan , kadib markii ay la shaqeysay gacana siisay baarayshaashii kiiskeeda gacanta ku hayay.
Aamiina Maxamuud ayaa sidoo kale baarayaasha Mareykanka gacan ka siisay eedeemo sidoo kale lagu soo oogay haween kale oo Soomaali ah kuwaa oo iyana lagu helay dambi ah in ay taageereen Kooxda Al Shabaab.
Haweeneydan ayaa muteesan laheed xukun xabsi ah oo u dhaxeeya 11-sano ama 12-sano hadii aysan Baarayaasha gacan siin laheen, waxaana horey Maxkamad kutaala Mareykanka xukuno xabsi ah oo gaaraya 11-sano iyo 12-sano ugu riday labo haween ah oo kiiskan oo kale ku eedeesnaa.