Dowladda mareekanka ayaa u muuqata mid sii wadata dardargalinta ay ku dooneyso inay ku baqdin galiso dowladda Kuuriyada waqooyi, ayadoo markaana gacanka kuuriya geysay gujis.
Waxaa mar walba la filan karaa inuu dagaal ka qarxo gacanka Kuuriya sida muuqata waxaana jira iskaashi ka dhaxeeya Koofurta Kuuriya iyo Mareekanka ayakoo Damacsan in ay Kuuriyada waqooyi qal qal galiyaan.
Gujiskan la geeyay Biyaha gacanka Kuuriya ayaa lagu magacaabaa USS Michigan, waxa uu awoodaa Gujiskan in uu xumbaaro gantaalada wa aweyn , waxa uuna qeyb ka yahay Maraakiib dagaal oo dowlada Mareykanka geesay Biyaha Kuuriyada Koonfureed.
Kuuriyada Waqooyi oo dhankeeda maanta u dabaal degeysa sannad-guuradii 85-aad ee markii la asaasay ciidankeeda, ayaa ku mashquulsan sameynta dhuulo tusyo ciidan iyo sidoo kale riditaanka gantaalo iyo hub kale.
Xiisada ka taagan gacanka Kuuriyada ayaa sii kordheysa marbo marka ka dambeysa, waxaana hadalo kulul hadawad isku mariyay Dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka, waxaana laga cabsi qabaa in xiisada ay sii xoogeesato.
Kuuriyada Waqooyi ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku mashquulsaneed tijaabinta gantaalo nuuca ridada sare ah oo sidoo kale xambaari kara hubka nukliyeerka, waxa ayna arintan xiisad xoogan ka abuurtay gacanka Kuuriya.