Waxaa jirta digniin ay soo jeedinayaan Wadamada sida dhow ula socda xaalada amni ee biyaha Badweynta Hindiya taasoo ku aadan khatarta Burcad Badeeda Soomaalida.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kooxaha burcad badeedka ay ku soo laabteen biyaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya, hasse ahaatee Mareykanku waxaa uu sheegay in korarka burcad badeeda ee maraakiibta ganacsi wali noqon kuwo leh jiho loo raaco.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogayn waxa sababay soo laabashada burcad Badeeda Soomaalida ayaa hadana dadka odorosa xaaladaha cakiran ee Soomaaliya ayay ku sheegayaan dhaqaalaha wadanka oo sii yaraaday iyo abaaraha oo sii kululaaday.