Dawlada Australia Ayaa ku dhawaaqday in aad loo adkeeyey qaadashada dhalashada wadankan Australia gaar ahaan dadka muhaajiriinta ah ee dalka usoo hayaama.
Hadaba maxaa la adkeeyey maxaase isbedelay qaabkii loo qaadanlahaa Dhalshada Australia ?
- Markii hore qofka imtixaanka galaya waxaa loo ogolaa haduu ku haco imtixaanka inuu kulaablaabto ilaa marar badan laakiin hada MAYA oo hadii qofka uu dhaco seddexjeer wa ainuu sugaa muddo laba sanno ah si markale uu u tijaabiyo
- Qofka waa laga qaadayaa Imtixaan Dhanka luuqada Englishka ah kuhadalkiisa, Dhegeysigiisa & Qoridiisaba halka markii hore aaneyjirin intaas oo dhan
- Qofka waa inuu aqoon leeyahay oo uu wadankan ka shaqeeyo oo canshuur bixiye uu yahay mudada uu joogo
Raisalwasaaraha ayaa sheegay in Australia ay tahay wadan ay ku noolyihiin qowmiyadaha ugu badan caalamka laakiin hadana ladoonayo in Qiimaha Dadka Australianka ay noqdaan Muhiimada uguweyn taas oo micnaheedu tahay in aanan qofkasta si sahlan Australian ku noqonkarin isagoo aan soo buuxin sharuudaha ku hor go’san
Dawladu waxa ay iska fogeysay in shuruucdan cusub aan loogu danlahayn dadka Muslimka ah ee dalka yimid ama imanaya,
©Goobsan Media