Dowladda Mareekanka oo go’aansatay inay 4,801 qof ay Soomaaliya kusoo celiyaan

Dowladda Mareekanka ayaa qorsheynaysa inay wadankeeda kasoo musaafuriso dad aad u badan oo Soomaali ah kuwaas oo wadanka ku joogay sharci daro halka kuwa kalena ay xabsiyada ku jiraan ayakoo dambiyo kala duwan ka galay wadanka Mareekanka.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in dadkan loo musaafurineyo Soomaaliya ay intooda badan galeen dambiyo , waxa ayna dowladu sheegtay in ay diirada saareyso ayna musaafurineyso kuwa ay u arkaan in ay halis ku yihiin amaankooda.

Afhayeenka waaxda fulinta arrimaha socdaalka iyo kastamka Brendan Raedy, ayaa sheegay in laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 qof oo Soomaali ah ay heleen amarkii u danbeeyay ee dalka looga soo saari lahaa, Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in horey dalka Mareykanka looga soo musaafuriyay dad gaaraya 237 oo si qasab ah Soomaaliya looga soo dejiyay, dadkan ayaana u badnaa kuwa ku xirnaa xabsiyada dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad ayaa horey u sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay’addaha socdaalka Maraykanku ay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo iminka ku nool Maraykanka.