Soomaaliya oo Taageertay Xasuuqa Nidaamka Suuriya uu ka wado Idlib

Duulaan ay qaadeen xoogaga dowlada Suuriya oo ay kaalmeeysanaayaan Ruushka gobolka waqooyi galbeed ee ay xukumaan xoogaga kazoo horjeeda Nidaamka Suuriya ayaa sababtay dhimashada kumanaan shacab reer suuriya, iyo in ka badan 150 kun oo qofood oo barakac ah.

Wadamada Masar, Ciraaq, Eriteria, iyo Soomaaliya ayaa ka hor yimid qaraar ay  Qaramada Midoobay ay ku canbaaraynayaan Xasuuqa  Nidaaamka suuriya uu ka wado Magaalada Elepo, Arintan ayaa timid ka dib markii dowlada ingiriiska ay qaraar u soo gudbisay Hay’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan Xuquuqul isaanka, kaasoo dhigayay in canbaareeyo Xasuuqa baahsan ee uu Maamulka Asad uu ka wado Suuriya.

Qaraarkan ayaa waxaa u codeeyay  26 dal oo ogolaaday lago  soo horjeesto tacadiyada ka socda dalka Suuriya, Sidoo kale waxaa ka hor yimid todobo dowladood ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana ka aamusay  qaraarkaas Afar iyo toban dowladood oo ay Dowlada Tunis  ka mid tahay.