Xubno sare oo ka socda Jabhadda ONLF ayaa xalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, saacado kaddib markii jabahadda ay ku dhawaaqeen xabad joojin hal dhinac ah.
C/qaadir Caddaani ayaa sheegay in sababta ay u tageen Addis Ababa ay tahay inay ka jawaabaan baaqii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Waxaa uu sheegay in xaalada ka taagan deegaanka Soomaalida loo baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa, isla markaana socdaalkooda uu qeyb ka yahay.
Xubnahan ka socda ONLF ayaa la filayaa inay tagaan magaalooyinka Kililka Shanaad, si ay uga qeyb qaataan dadaalada lagu xasilinayo.
Baarlamaanka Itoobiya ayaa bil ka hor ku dhawaaqay inuu liiska argagixisada ka saaray Jabhadihii mucaaradka ahaa, waxaana taas sabab u noqotay in mucaaradka wada hadal la furaan dowladda, isla markaana isu soo dhowaadaan.
Jabhadaha Mucaaradka ee ku kacsanaa Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay tagayay magaalada Addis Ababa, kaddib is bedelada ka dhacay dalka Itoobiya.