Sacuudiga oo ka hadlay Sababta loo soo celiyay Xoolihii laga dhoofiyay Dekeda Boosaaso

Dowladda Sacuudiga Carabiya ayaa war ka soo saartay xoolihii ay dhowaan dib ugu celisay Soomaaliya, kaasoo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Deegaanka, Dhirta iyo Biyaha ayaa lagu sheegay in xoolaha laga soo dhoofiyay Soomaaliya lagu sameeyay baaritaano.

Xoolahan oo ahaa 27,000 oo neef ari ahaa ayaa la sheegay in laga helay cudurka ku dhaca xoolaha ee lagu magacaabo (Rift Valley Fever).

Xoolahan ayaa dib loogu celiyay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, halkaasoo markii hore Markab looga soo qaaday.

Tallaabada dowladda Sacuudiga ay dib ugu celisay xoolo laga soo dhoofiyay Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya la safatay Sacuudiga khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalka Canada.