Dowlada Denmark ayaa Shalay soo saartay sharci mamnuucaya indha shareerka (Niqaab) Sharcigan oo dhaqan galaya 1 da bishan August ayaa baarlamaanka Denmark uu ansixiyay bishii May ee sanadkan,
Sharcigan ayaa haweenaydii xirata Niqaab waxay mutaysan doontaa ganaax lacageed oo gaaraya 1000,kr oo lacagta Denmark ah, Waxayna arintani culeys weyn ku noqon doontaa haween badan oo muslimiin ah oo u arka in la soo fara geliyay diintooda,
Haweenaydii afar jeer sharcigaas jabiyana waxaa lagu ganaaxi karaa 1500 oo doolar.
Faransiiska iyo dalal kale oo Yurub ku yaalla ayaa horay u qaaday tallaabooyin ka dhan ah in bulshada lagu dhex xirto niqaab.
Kooxaha u ololeeya Xuquuqda aadanaha ayaa go,aankan ku tilmaamay inuu yahay mid caburin ah oo lagu soo ragay Dumarka,
Mudaharaad weyn oo looga soo soo horjeedo go’aankan ayaa ka dhacay magaalada Copenhegan ee caasimada dalkaasi.
Halkan Ka Daawo Warbxin ay BBC-da ka diyaarisay