Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Tony Abbot waxa uu shalay shaaciyey Rabitaankiisa ku aadan Weerar cusub oo lagu qaado Dagaalamayaasha Alshabaab.
Waxa uu intaasi ku daray in Xillgii uu ahaa Ra’isul-wasaaraha doonayey inuu Tallaabo Milliteri ku burburiyo Alshabaab, si ay dadka Soomaaliyeed ugu noolaadaan Nabad, waa sida uu hadalka u dhigay.
Ra’isul-wasaarihii hore ee Australia, Tony Abbot oo xilkaasi hayey sannadihii 2013-kii ilaa 2015-kii waxa uu tilmaamay inuu dib uga laabtay go’aankaasi, kadib, markii uu garwaaqsaday inaysan Australia ka qeyb gelinHawlgalladda lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.
Tony Abbot waxa kale uu ka hadlay Go’aankii ay Alshabaab dhawaan ku mamnuuceen Isticmaalka Bacaha oo khatar u ah dadka iyo xoolaha, wuxuuna xusay inuu rajo-laawe noqonayo, haddii uu Talo lagu badbaadinayo Caalamka ka qaato dad noocaas oo kale, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaarihii hore ee Australia, Tony Abbot waxa uu isagu horey u soo jeediyey in bacaha laga mamnuuco magaalladda Woolworths ee dalka Australia, balse waxa uu haatan ka soo horjeestay Aragtidaasi. inkastoo Go’aankaasi maanta ka ka dhaqan galayo Woolworths.
In ka badan 3.9 billion oo bacaha lagu adeegto ayaa la sheegay in sannad kasta laga isticmaalo dalkaasi,