Yuusuf Maadey Maxamed oo ah Aabe Soomaaliyeed oo xaaskiisa iyo afar caruur ah oo uu dhalay ku noolaayeen, qorshahana uu ahaa in Isniinta shalay loo soo musaafuriyo dalka Kenya, isaga oo ay is macsalaameynayeen xaaskiisa iyo caruurtiisa, kuna sugan garoonka ayaa waxaa loo sheegay in Canada uu sii joogi karo mudo sanad ah.
Hay’adda socdaalka dalka Canada ayaa go’aanka ah sii joogitaanka Yuusuf ku dhawaaqday, kadib markii dadaalo kala duwan oo arrintan lagu baajinayo ay sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmenton.
Yuusuf Maadey Maxamed oo 41 sano jir ah ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu farxay markii uu maqlay in mudo sanad ah uu sii joogi karo dalka Canada, wuxuuna tilmaamay inuu ka shaqeyn doono sidii uu u cadeyn lahaa inuu yahay nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, balse keliya wata Baasaboorka Kenya.
“Markii aan maqlay go’aanka ah inaan sii joogayo dalka Canada aad ayaan ugu farxay, waxaan dareemay farxad aan la soo koobi karin, waan ilmeeyay, waxaan ka shaqeyn doonaa mudada sanadka ah sidii aan u cadeyn lahaa Soomaalinimadeyda.” Ayuu yiri Yuusuf.
Aabahan oo asalkiisii hore ka yimid magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa Qaxooti ahaan ugu jiray xeryaha Qaxootiga dalka Kenya, intaasi kadib ayuu ku dadaalay sidii uu aadi lahaa dalka Canada oo ay qoyskiisa ku nool yihiin, waxaana 2013-kii u suuragashay inuu Qaxootinimo ku galo dalka Canada, isaga oo wata Baasaboorka Kenya.