Maxkamada magaalada Edmonton dalka Canada ayaa xukuntay in loo gacan geliyo dowlada Maraykanka Cabdulaahi Axmed Cabdulaahi oo lagu eedeeyay in uu gacan ka geystey dhalinyaro ku biirtey ururka Daacish.

Cabdulaahi Axmed Cabdulaahi oo 33 jir ah ayaa ka mid ahaa dhalinyaro dhac u geysatay dukaan lagu iibiyo dahabka magaalada Edmonton taasoo lacagtii laga helay lagu caawiyay inay dhalinyaro ku biiraan dagaalka Daacish ee dalka Siiriya.

Xaakimka Jon Little ayaa amray in Cabdulaahi Axmed lagu wareejinayo dowlada Maraykanka balse waxaa uu Cabdulaahi xabsiga lagu sii haynayaa ilaa uu ka aqblo xukunkaas wasiirka dastuurka oo go’aanka kama dambeysta ah leh.

Hase yeeshee Cabdulaahi Axmed ayaa iska diiday inuu taageerayay ururka Daacish waxana uu sheegay in ay been yihiin waxyaalaha lagu soo eedeeyay oo idil.

Maxkamada ayaa loo soo bandhigay email uu isticmaalay Cabdulaahi iyo qoraale kale,waxaana la sheegay in Cabdulaahi uu lacagtii uu ka helay dhaca uu ka qeybqaatay ay ugu safreen dalka Siiriya Hanad Mohallim, Douglas McCain iyo Hamsa Kariye kuwaasoo lagu diley dalka Syira.

Dowlada Maraykanka oo ka codstay dowlada Canada in lagu soo wareejiyo Cabdulaahi Axmed Cabdulaahi ayaa la sheegay inuu ka caawiyay sidii ay u heli lahayd xogtan nin ay qaraabo yihiin Cabdulaahi oo lacag badan ay dowlada Maraykanku siisay