Telefishinka CNN-ka ayaa soo weriyey in 2 Sarkaal oo darajo sare ku dhex leh Milliteriga Maraykanka laga joojiyey Shaqada, kadib, markii lagu helay inay fara xumeeyeen Haween ka tirsan Milliteriga Maraykanka ee ka hawlgala Somalia.
Afhayeenka Hawlgalladda Khaaska ee Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika (AFRICOM)M Gaashaanle Kasey Osborne ayaa u sheegay Telefishinka CNN in Saraakiishaasi dib loogu celiyey Saldhigyadooda ku yaalla gudaha Maraykanka, si baartaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Afhayenka waxa uu magacyadda Saraakiisha laga joojiyey shaqada ku kala sheegay Taliyihii Taliska Hawlgalladda Khaaska ee AFRICOM, Sarreeye Gaas MARK HIKIS laga joojiyey Taliska Khaaska ee Hawlgalladda Afrika ugu qaabilsan Geeska Afrika iyo La-taliye aan diiwaan u gashnayn Waajibaadkooda, kuwaasi oo isbuucii hore shaqada laga joojiyey, loona duuliyey Maraykanka.
Afhayeenka taliska Hawlgalladda ee AFRICOM waxa u uka gaabsaday inuu faaahfaahin ka bixiyo dabeecadda Eedeymaha rasmiga ee 2-daasi Sarkaal lagu soo oogay ee shaqada looga joojiyey.
Labadaa Sarkaal ayaa la sheegay inay baaritaan ku hayeen Qeybta Dembi-baarista ee Ciiddanka Badda Maraykanka.
Dhinaca kale, tiro badan oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee Navy SEALS waxay hawlgallo ka fuliyaan gudaha Somalia, iyagoo La-talin siiya Ciiddanka DFS ee dagaalka kula jira Dagaalamayaasha Alshabaab.
Xigasho:-Radio Dalsan