Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Gaashaanle Dave Eastburn ayaa sheegay in lagu amray Ciiddamada ku sugan Saldhigyadda Milliteriga Maraykanka inaysan iibsanin Mobayladda, gaar ahaan noocyadda ay farsameeyaan Shirkadaha Huawei iyo ZTE phones.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Mobayladaasi khatar ku yihiin Ammaanka Waaxda Difaaca Maraykanka, isla markaana aan lagu isticmaali Karin Bakhaaradda Hubka ee ku dhex yaalla Saldhigyadda Milliteriga Maraykanka.
Waxa uu intaasi ku daray inuusan sababo dhinaca Ammaanka u faahfaahin Karin khatarta aan la oggolaan Karin ee Mobayladaasi.
Go’aankan ka soo baxay Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa ah dharbaaxadii ugu dambeysay ee lagula kaco Shirkadaha Huawei iyo ZTE oo iyagu Mobaylada iyo Qalabka Isgaarsiinta ku iibiya guud ahaan Dalalka Caalamka.
Ilaa 3,400 Mobaylada Huawei iyo ZTE ayaa la sheegay in sannadkii hore laga iibiyey Saldhigyada Milliteriga Maraykanka.
War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay inay si hufan u sameeyaan Qalabkooda, isla markaana aysan Dowladad Shiinaha waax xeer jajab ah kula gelin Farsamaynta Mobayladdaasi.











