Dowladda Qatar Oo Cambaareysay Qarixii Ka Dhacay Magaalladda Baraawe

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay cambaaraynayaan weerarkaasi oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Garoon ku yaalla Baraawe, iyadoo ay 4 ciyaartoy ku geeriyootay, halka kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Bayaanka waxaa kaloo lagu xusay inay Dowladda Qatar  tacsi u dirayaan qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, waxayna kuwii ku dhaawacmay u rajeeyeen caafimaad degdeg.

Dhinaca kale, ALShabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi oo ay tilmaameen inay la beegsadeen Ciiddan iyo mas’uul ku sugnaa Garoonka K/cagta ee magaalladad Baraawe.